Posts

Showing posts from March, 2023

Amba maan Doonto ( sheeko )

Image
   Amba maan Doonto ( sheeko ) Sheekhada waxaa ka bilaabmaysaa maxkamadda waxaa jiray eedaysane cali geedi fiidow baa maxkamadda sare ee gobolka subaxdii dambe barqafii la soo taagey qabanqaabadii guud ee maxkamad furistu markii ay dhamaatsy ayaa wakiilkii xafiuska reer ilaaliyuhu istaagay oo isaga oo xujada toostoosinaya aadna ugu tiiqtiiqsanaya yidhi 《Guddomiyaha Maxkamadda Xeerbeegtida Sharafta leh 》 Waxaan idin hortaagay gacan ku dhiigle si badheedh ah sharciga dalka u dhigan adhaxda ugu jebiyay ka dhib markii maryan macalin oo isaga u dhaxday uu ula kac qudha uga goosey jaalle gudoomiye eedaysanaha waxa uu gowrac ugu abaal guday ruux nafteedii, xooggeedii iyo xawadeediiba isaga u hurtay haweeneydiisii maryama macalin oo aan wax dembi ah haba yaraatee geysan waxa uu gooyey naftii ay sharciga iyo diintuba dilkeeda diideen . 《Eedaysanuhu waxa uubula kac dhabarka uga jebiyey sharcigii dalka iyo nabadgelyadii dadka . Denbigh waa into muuqdaa waxaana cadayn inorganic filan qira...

Oraahyadii laga diiwaan galisy sheikh mustafe xaaji isnaciil qaar kamid ah

Image
Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah. 1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo". 2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa". 3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan". 4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha". 5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ? 6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ". 7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. " 8...

GURI AAD U QURUX BADAN OO BEEC/IIB AH

Image
 GURI AAD U QURUX BADAN OO BEEC/IIB AH Halaga faaideysto waa jaanis hana dhaafin ducada iyo share ka Magaca guriga: Al-Jannah:  الجنة Cabbirka: عَرْضُهَا كَعَرْضِ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ Tirada Albaabada: Sideed (8) Furaha guriga: "لا إله إلا الله" Xilliga kala wareejinta: يوم القيامة Dadka iibsan kara: الْمُتَّقِينَ 🎈Shuruud muhiim ah: أن لّا تُشْرِكْ بِٱللَّه Qasnado (كنوز) waaweyn oo dhex yaal: لا حَوْلَ وَلا قُوَّةَ إِلا بِاللَّه Waxa daris la ah: Nabi Muxammed (ﷺ) iyo afarta Khulafaa'u Raashiidiin. (RC). 🎈Faahfaahinta Guriga oo kooban: Waxa ku dhex yaalla ama mara wabiyo biyo, caano, malab iyo khamri aan maan dooriye lehen. Wuxu leeyahay geedo qurux badan uu ka mid yahay "Sidratul muntahaa". Cuntada waa bilaash. Shaqaalaha 24 saac waa heegan. Jirro iyo xanuun maleh, gaajo iyo oon maleh. Silac, rafaad iyo daal midna maleh. La gaboobi maayo oo la dhima mayo. Gurigu qaalisanaa oo qiima badnaa. Allahu Akbar Gurigan waxa nimcooyin dhex-yaala, ma ahan wax ay il...